Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo amartay in ay is-diiwaan-geliyaan Masaajidda iyo Xarumaha kale ee Diinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka SONNA,ayaa lagu amray dhammaan xarumaha qaabilsan Arrimaha Diinta ee dalka in ay isa-soo diiwaan-geliyaan.

Wasaaradda ayaa amar ku bixisay in ay is-diiwaan-geliyaan dhammaan Dugsiyada Qur’aanka,Macaa’hidda Shareecada iyo Masaajidda ku yaaalla guud ahaan dalka,waxaana loo qabtay muddada u dhexaysa 15/1/2018 ilaa 15/3/2018,sidoo kale waxaa is-diiwaan-gelinta ku jira dhammaan shaqaalaha ka hawlgala xarumahaasi,sida qoraalka ku xusan.

Goobaha Diinta ee ku yaalla gobolka Banaadir ayaa Wasaaraddu ku amartay in ay iska diiwaan-geliya Xarunta dhexe ee magaalada Muqdisho,halka kuwa gobolladana lagu amray in ay iska diiwaan-geliyaan Xarumaha wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta ee heer Dowlad Goboleed.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn amar ku bixisay in la joojiyo boobka lagu hayo hantida Waqafka ah ee raacsan Maajidda dugsiyada Qur’aanka iyo wixii lamid ah.

Halkaan ka akhriso War-Saxaafadeedka.

Warsaxaafadeed-1-001.jpg?resize=436%2C60Warsaxaafadeed-2-001.jpg?resize=436%2C60Warsaxaafadeed-3-001.jpg?resize=436%2C60

 

The post Dowladda Soomaaliya oo amartay in ay is-diiwaan-geliyaan Masaajidda iyo Xarumaha kale ee Diinta. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this