Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Qaybo Kamid Ah Xarumaha Dawladda ee Gaalkacayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 January 2018 waxa uu kormeeray qaar kamid ah xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo .

Madaxwaynaha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay  maamulka  Gobolka Mudug, kan  degmada Gaalkacayo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Goobaha uu booqday Madaxwaynu ayaa waxaa kamid ahaa, kaantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo, dhismaha dugsiga nabadda [peace school] dhismaha maxjarka magaalada, kaamka qaxootiga ee Samawade, xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska  ee magaalaga Gaalkacayo.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay kaantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo,  waxaana uu halkaasi Madaxwaynuhu kula kulmay saraakiisha kaantaroolka, isagoona ka xog waraystay saraakiishaasi sida ay u socoto shaqada kaantaroolku.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa waxaa uu booqday  Maxjarka wayn ee magaalada Gaalkacayo kaas oo dhismihiisa ay hirgelisay dawladda Puntland, Isla markaana waxa uu Madaxwaynuhu soo kormeeray guud ahaan  dhismaha maxjarka oo heer geba geba ah maraya.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland oo sii wata kormeerkiisa shaqo  ayaa waxaa uu kormeeray kaamka Samawade oo ah kaam ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah,  kuwaasi oo ay wax yeelaysay abaartii ku dhufatay deegaanadii ay ku noolaayeen, dadka barakacayaasha ah ee kaamkaasi ku nool ayaa Madaxwaynaha uga xog waramay xaaladdooda nololeed iyo tan caafimaadba.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiinta kale ee kormeerka ku helinaysey  ayaa waxa ay booqdeen  goobo ay kamid ahaayeen Xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, waxaana uu kula dardaarmay Madaxweynu shacabka gobolka Mudug inay ilaashadaan nabad-gelyadooda, xasiloonidooda, horumarkooda iyo wada-jirkoodaba madaama ay yihiin dad ehel ah oo walaalo ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.5I2A1867.jpg?resize=1000%2C6675I2A1887.jpg?resize=1000%2C6675I2A1899.jpg?resize=1000%2C6675I2A1920.jpg?resize=1000%2C6675I2A1935.jpg?resize=1000%2C6675I2A1954.jpg?resize=1000%2C6675I2A1990.jpg?resize=1000%2C6675I2A1992.jpg?resize=1000%2C6675I2A2033.jpg?resize=1000%2C6675I2A2049.jpg?resize=1000%2C6675I2A2069.jpg?resize=1000%2C6675I2A2081.jpg?resize=1000%2C6675I2A2129.jpg?resize=1000%2C6675I2A2188.jpg?resize=1000%2C6675I2A2210.jpg?resize=1000%2C6675I2A2220.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Qaybo Kamid Ah Xarumaha Dawladda ee Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this