Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Xuseen: Aqalka Sare Waxba Kama Dhiiban Miisaaniyadda 2018 Waa Arrin La Yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dalalka labada aqal leh caalamka ay miisaaniyadda wada marto, oo 2bada aqal saxiixaan.

Senator Xuseen oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yi“Asal macno ahaan miisaaniyadda waa qorshihii dadka xukunka haya ay ugu badalayeen ficil, aduunyada leh labada aqal ee fedaraalka ah wadamadooda intooda badan labada aqalba waa aay martaa miisaaniyadda, si loo sameeyo dharaandhirin haday qeylo soo yeerto waa meeshii lagu dharaandhirin lahaa”

Senatorka waxaa uu sidoo kale ka hadlay sida dalalka ugu kala duwan yihiin ansixinta miisaaniyadda ee labada aqal “Iyada oo saas ay tahay ayaa hadana miisaaniyadda waxaa ay ka mid tahay sharuucda wadamo badan ayaa jira oo isla ansixiya waxaa jira wadamo kale oo aqalka sare uusan ansixinin balse uu aragti ku leeyahay aragti ayuu ka dhiibanaa dood ayuu soo sameynaa dooda uu soo sameeyana sideeda iyada oo ah ayaa golaha shacabka loo gudbinaa, wadamo badan ayaa jira oo sidaas ah balse inta badan waa aay isla ansixiyaan”

Ugu dambeyntii waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in miisaaniayadda Soomaaliya 2018 aan la soo marin aqalka sare oo golaha shacabka uu u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo “Soomaaliya iyo dastuurkaan ku meel gaarka ah ee hadda aan heysanno macadeynayo inuu hal aqal leeyahay iyo in labada aqal ay isla leeyihiin qodobo dastuuri ah ayaa jira oo hadda labada aqal ay fiirfiirinayaan oo tusaalooyin loo soo qaadanayo balse aan cadeymo aysan ku jirin, marka laga fiiriyo caqliyadda caadiga ah golaha shacabka maalin dhaweyd waxay sameeyeen miisaaniyadda qaranka ayey dadweynaha u soo bandhigeen baarlamaan gole sharci dajiye kale ah ayaaba aragti ka dhiiban madaxweynaha uu saxiixo isagoo aqalka sare waxba ka dhiiban waa arrin la yaab leh”.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this