Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Cali Xaaji Warsame,” Madaxweyne Farmaajo wixii qaldan waan uga digaynaa waana toosinaynaa, mucaaradkuna ma ahan labo nin oo Xamar joogta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka in laga wada shaqeyo dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliya, isagoo ka digay in rajada shacabka Soomaaliyeed lagu wiiqo isqabqabsi siyaasadeed iyo kooxaysi.

Cali Xaaji ayaa madaxda dowladda ugu yeeray inay wax badan xeeriyaan islamarkaana aysan sharciga ku tuminin, awoodna aysan wax ku xalin, Mucaaradkana wuxuu ugu baaqay inay noqdaan kuwo mucaaradnimadooda wax ku dhisa, balse aysan noqon koox Xamar joogta oo isku aragta inay iyagu yihiin mucaaradka dalka.

“Madaxweyne Farmaajo wixii qaldan waan uga digaynaa waana toosinaynaa, wixii garab ahna waan siinaynaa, laakiin mucaaradkuna yuusan ahaan koox ama labo nin oo Xamar jooga, oo isku arka inay yihiin mucaaradka dalka, ha ogaadaan mucaaradku inuu meel kasta dal iyo dibadba.” ayuu yidhi Cali Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this