Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanaag Oo Laga Mamnuucay Ugaarsiga Diinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa uu ka digay xayawaanka Diinka oo uu sheegay in aad looga ugaadhsado gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo.

Badhasaabku wuxuu sheegay in ciddii falkaas ay ku qabtaan ay ka qaadi doonnaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ka ganacsiga xayawaanka Diinta ayaa markii ugu horraysay dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

Lama oga sababta saxda ee ka dambeysa ugaarsiga iyo waxa laga helo balse waa sheeko ganacsi isku badashay.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this