Deeq A. Posted January 2, 2018 Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa uu ka digay xayawaanka Diinka oo uu sheegay in aad looga ugaadhsado gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo. Badhasaabku wuxuu sheegay in ciddii falkaas ay ku qabtaan ay ka qaadi doonnaan tallaabo sharciga waafaqsan. Ka ganacsiga xayawaanka Diinta ayaa markii ugu horraysay dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya. Lama oga sababta saxda ee ka dambeysa ugaarsiga iyo waxa laga helo balse waa sheeko ganacsi isku badashay. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites