Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Gantaal lagu weeraray gaari marayay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooleey (Caasimadda Online) – Duhurnimadii Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la sheegay in Diyaarado aan la garneyn ay Gantaal ku dhufteyn Gaari nooca ay Soomaalida u taqaano homeyda oo marayay duleedka degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaarigaan ayaan la’ogeyn halka uu ku soo jeeday iyo waxa uu siday balse goobjoogayaal ay maqleen jugta Gantaal lagu dhuftay Gaariga iyo burburkiisa.

Duqeyntan oo dhacday duhurnimadii maanta ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la sheegin noociisa kaasoo marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo  qiyaastii 3km u jirta Ow-Dheegle.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gaariga ayaa waxaa saarnaa illaa lix ruux waxaana labo gantaal oo lagu ridey mid ka mid ah uu ku dhacay gaariga.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay ku dhinteen duqeynta.

Halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa waxaa lagu Magacaabaa deegaanka Shan Garre kaas oo 2km u jirta degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose man jirto weli cid xaqiijisay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sihoose Radio Dalsan waxa ay ugu sheegen in Gaarigaan uu waday waxyaabaha qarxa isla markaana uu ku soo jeeday Muqdisho balse markii laga warhelay sidaasi duqeynta loola beegsaday.

Majirto cid sheegatay masuuliyada duqeynta lala beegsaday Gaarigaas,balse todobaadayadii la soo dhaafay ayaa Diyaaradaha daagalka dalka Mareykanka waxa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan dalka Soomaaliya halkaas oo qaarkood ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Gantaal lagu weeraray gaari marayay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this