Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog culus: Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo lugaha la galay Dowladda Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerarkii Ciidamada Soomaalida ee ay tababarreen Imaaraadka Carabta ku qaadeen Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa lugaha la galay dowladda Imaaraadka Carabta.

Amarka weerarka ayaa la sheegay inuu bixiyay sarkaalka Imaaraadka Carabta u jooga magaalada Muqdisho ee madaxda ka ah saldhiga Imaaraadka ku leeyahay magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaanka socda lagu ogaaday in weerarka uu ahaa mid ka yimid dowladda Imaaraadka.

Ujeedka weerarka ayaa lagu sheegay inay baadigoob ku hayeen xaalad sirdoon iyo telefoon ay daba joogeen oo la galay guriga Cabdi Qeybdiid, balse ay markii dambe waayeen, taasoo kiiskan ka dhigtay mid adag oo dowladda Soomaaliya xalintiisa aad ugu adag tahay.

Imaaraadka ayaa wada-shaqeyn la leh ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, waxaana dowladii Xasan Cheekh iyo Cumar C/rashiid ay la gashay heshiis wadashaqeyn amni oo u saamaxeysa inay ka howlgalaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog culus: Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo lugaha la galay Dowladda Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this