Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Maryan oo dadka shacabka ah uga digtay hal arrin oo saameyn weyn ay ka dhalankarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Somalia Maryan Aweys Jaamac ayaa si kulul uga hadashay dadka caadeystay inay qashinka ku daadiyaan Xeebaha dalka.

Wasiir Maryan ayaa dadkaasi ku eedeysay in qashinka ay kasoo fogeeyan guryahooda isla markaana usoo fogeeyan Xeebta, waxa ayna talaabada noocaasi ku sheegtay mid nasiib darro ah.

Maryan waxa ay dadka shacabka ah ee ku nool eeryada Xeebah ugu baaqday in ay ilaashadaan degaankooda, waxa ayn xusuusisay in dhibaatada ka dhalata qashinkaas ay dhibaato u geysan karto.

Dadka waxa ay ugu baaqday in wasaqda laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhibaatada ugu sukeysa ee ka dhalaneysa ay tahay Hawada oo wasaqeysan.

Dhinaca kale, Ciidamada ayey ugu baaqday inay ka hortagaan dadka haleynaaya Xeebaha waxa ayna soo jeedisay in sharciga lala tiigsado dadka ceynkaasi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

The post Wasiir Maryan oo dadka shacabka ah uga digtay hal arrin oo saameyn weyn ay ka dhalankarta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this