Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay qulqulka al-Shabaabka deegaanadeeda & Tirada ugu danbeysay ee gudaha u gashay oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay kusii kordhayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka.

Maamulka ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay kasoo carareen Gobolada Somalia, gaar ahaan kuwa ay ka dhacaan duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka.

Mid kamida Saraakiisha maamulka oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sii kordheyso tirade al-Shabaabka Puntland, isla markaana deegaano dhowr ah lagu arkayo al-Shabaab cusub oo aan horay u joogin.

Saraakiisha ayaa farta ku goday in ay heleen xogo dhameestiran oo muujinaya in Horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka badan 150 ay galeen dhulka Buuraha ee Puntland.

Saraakiishan ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada ay maleeshiyaadka ka dhexwadaan deegaanada maamulka waxa ayna tilmaameen inay bilaabi doonaan howlgalo joogta ah oo lagula dagaalami doono maleeshiyaadkaas.

Maleeshiyaadkan ayaa ku biiray maleeshiyaad kale oo ka tirsan Shabaab oo hore ugu sugnaa Deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Saraakiisha maamulka ayaa cadeeyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa tirade ku dhex jirta bulshada ee qaabka Sirdoon ugu shaqeysa al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Puntland oo ka hadashay qulqulka al-Shabaabka deegaanadeeda & Tirada ugu danbeysay ee gudaha u gashay oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this