Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa dil ayaa ka dhacay Muqdisho Bishii lasoo dhafay ee ugu danbeysay sanadkii 2017

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Bishii December ee sanadii 2017 waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad u shaqeeynaayay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dad shacab ah oo maleeshiyada al-Shabaab ay u arkeen kuwo kasoo horjeeda danahooda isla markaana la socday ama saaxiib la’ahaa dad u shaqeynaayay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dilalka ugu badan ayaa Bishii December ee sanadii 2017 ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley iyo Xamarweyne.

HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA DHACAY DECEMBER EE LA OGYAHAY

1- December 9, 2017, Waxaa Xaafada Siliga ameerikaanka ee Degmada Dharkenley lagu dilay nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka degaanka oo dilkiisa loo adeegsaday  Qori AK47.

2- December 10, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan Gobolka Banaadir ku dileen Gabar lagu magacaabi jiray Ridwaan Salaad oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliya.

3-December 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolad ayaa gudaha Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin lagu magacaabo Tima Jilac oo ka tirsanaa qeybta Lacag aruurinta Shirkadda Nadaafadda ee Green Life oo qeyb ka ah Shirkadda Ecco  oo mas’uul ka ah Nadaafadda Gobalka Banaadir.

4- December 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo saaxiib un la ahaa ciidamada dowlada ee ka howlgala Degmada, mana uusan aheyn shaqaale dowladeed.

5- December 12, 2017, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masaajidka Sheekh Cali Suufi oo ku yaala Isgoyska KPP ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo aan la garaneynin waxa uu ahaa.

6- December 14, 2017, Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgooyska Sanca lagu dilay laba ruux oo la sheegay inay horay u dileen askar ka tirsan dowlada oo qoryaha ay ka qaaten dilka kadib.

7- December 15, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Xaafada 5-ta geed ku dishay wiil dhalinyaro ah, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka ruuxa ay dileen.

8- December 23, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiye Laameed la sheegay in muddo fog uu ka shaqeynaayay Degmada, waxaana dilkiisa fuliyay Maleeshiyaad la socday Mooto.

9- December 23, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha cusub ee Gobolka Banaadir.

10- December 23, 2017, Rag ku hubaysnaa bistoolado ayaa Degmada Xamar weyne ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida kaa oo magaciisa lagu soo koobay Ayaanle .

11- December 27, 2017, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay qof shacab ah, waxa ayna wateen Mooto Bajaaj xiliga ay dilka geysanayeen.

12- December 27, 2017,Qof meyda oo karfaneysnaa ayaa waxaa laga helay Goob Ganacsi oo ku taalla agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamarweyne gobolkan Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha December ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Imisa dil ayaa ka dhacay Muqdisho Bishii lasoo dhafay ee ugu danbeysay sanadkii 2017 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this