Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala soctaa tirada Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii December ee 2017

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii December ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qaraxyada Bishii December ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay December ay yihiin 8 Qarax.

HADDABA QARAXYADA BISHII DECEMBER KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO AYAA KALA AHAA:

1-December 4, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada oo uu lahaa Sarkaal ka tirsan Militeriga ayaa ka dhacay gudaha xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho, mana geysan Khasaaro nafeed.

2- December 11, 2017, Qarax lagu xiray gaari uu lahaa Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana ku geeriyooday Qaraxa Wariyaha gaariga watay.

3- December 14, 2017, Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay barxada Iskuul buluusiyo ‘’Jeneral Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho, waxaana loo adeegsaday Suunka Qarxa xili ay halkaa ku sugnaayen ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinaayay dabaaldag.

4- December 18, 2017, Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka kaa oo uu watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo  Kulane Cabdi, waxa uuna qarxay markii uu ka degtay.

5- December 20, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weeraray Saldhiga Booliska ee Degmada Kaaraan, waxaana lasoo warinayaa in lagu tuuray ilaa laba Bam.

6-December 23, 2017, Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa Hoobiyayaal dhowr ah ku weeraray Xarunta Madaxtooyada Somalia, xili halkaa uu ka socday shirar kala duwan.

7-December 23, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa weerar Bambaano ku qaaday Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

8-December 23, 2017, Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay agagaarka Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada General Daa’uud.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka Raaxada, xili Somalia aysan laheyn Taliyayaasha Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

The post Maxaa kala soctaa tirada Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii December ee 2017 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this