Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Agaasimaha hay’adda socdaalka Puntland oo booqday Kastamka Tuurdibi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsinyadaha ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) ayaa booqasho ku tagay Kastamka Tuurdibi ee kuyaala xuduudka Puntland iyo Ethiopia.

Booqashadaan oo ahayd midii ugu horeysay ayaa agaasimaha socdaalka wuxuu kulan la qaatay masuuliyiinta ku sugan Kastamka, isagoo kala hadlay arrimaha shaqada iyo baahiyaha xagga socdaalka ee ka jira degaanada xuduuda kuyaala oo ay dowladda Puntland ka arrimiso.

Agaasime Qamdi wuxuu ballanqaaday in hay’adda socdaal xafiis ka furandoonto kastamka Tuurdibi maaadaama uu kuyaalo meel xuduud, si dadka Ethiopia usafraya u helaan adeegga socdaalka ee dowladda Puntland.

Agaasimaha hay’adda socdaalka Puntland wuxuu sidoo kale kulan la qaatay maamulka degmada Galdogob ee gobolka Mudug, isagoo ka dhegaystay warbixinon ku saabsan xaaladaha socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland.

IMG-20180101-WA0013.jpg IMG-20180101-WA0015.jpg IMG-20180101-WA0016.jpg IMG-20180101-WA0011.jpg IMG-20180101-WA0010.jpg IMG-20180101-WA0009.jpg IMG-20180101-WA0008.jpg IMG-20180101-WA0007.jpg IMG-20180101-WA0004.jpg IMG-20180101-WA0005.jpg IMG-20180101-WA0003.jpg IMG-20180101-WA0002.jpg IMG-20180101-WA0000.jpg

IMG-20180101-WA0000.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this