Sign in to follow this  
Deeq A.

.Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya oo maanta booqanaya magaalada Badhan.

Recommended Posts

Deeq A.   

dddd.jpg
Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta oo talaaado ah ku wajahan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhowayntiisa.

Booqashadiisa waxay ahaandoontaa markii ugu horeysay oo wasiir katirsan dowladda federalka soomaaliya uu booqdo magaalada Badhan oo kamid ah magaalooyinka ka degsan laamiga ah ee uu horumarka haatan ka socdo.

Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland iyo shacabka reer Badhan ayaa diyaar garow xoogan ugu jira sidii ay usoo dhowayn lahaayeen wasiir Jamaal oo maalmahaan socdaal ku jooga Puntland.

Socdaalka wasiirka qorshaynta ayaa salka ku haysa wadda-tashiyo uu laleeyahay bulshada iyo dowladda Puntland, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu hordhac u yahay socdaal uu todobaadka soo socda madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Faramajo ku imaandoono Garowe.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this