Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudisho-[Puntland Post]-Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka tirasan golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa markii ugu horaysay ka digaya in Ciidamada Dawlada iyo garsoorka dalka loo adeegsado dano gaar ah oo dadka lagu dhibaataynayo.

Xildhiban Maxamuud Mashruuc ayaa sheegay in dhacado xanuun badan oo Fool xun ay ahayd weerarkii lagu qaaday Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid islamarkaan lagu xad gudbay Xasaanadiisa.

‘’Waa dhacdo Fool xun oo aan la garan Karin waxa lagu macnan karo Senator Aqalka sare ka tirasan oo gurigiisa la weerary  waxana madaxda dawlada ugu baaqayaa in si dag dag ah shrciga loo hor keeno cidii ku lugta lahayd weerarkasi.’’

Sanator Maxamuud Mashruuc ayaa sida oo kale waxa uu sheegay in aan laga mashquulin Hay,addah Amniga waa jibadkii loo igmaday ee ahaa soo celinta nabada iyo kala dambenta dalka.

Maxamuud Mashruuc oo ka tirasan Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ugu damben sanadka cusub ee 2018 bulshada soomaliyeed u rajeeyey hormar iyo Nabad galyo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Cawaale Qaybdiid. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this