Sign in to follow this  
Deeq A.

Deegaannada Puntland Oo Laga Bilaabayo Talaalka Cudurka Jadeecada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in dhowaan ay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ka bilaabi doonaan talaalka cudurka Jadeecada.

In ka badan Hal Milyan oo carruur ah, kuna nool deegaannada Puntland ayeey wasaaraddu sheegtay in laga talaali doono Jadeecada.

C/naasir Cismaan Cawke, wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Lixdii bil ee ugu dambeysay loo soo sheegay 1,800 kiis oo cudurkaasi  ah.

Waxa uu wasiir Cawke ku baraarujiyey waalidiinta iney ka qeybqaataan talaalka cudurka Jadeecada.

“Macquul ma ahan in talaalkii oo yaalla ay carruurteena u dhintaan sabab la xiriirta Jadeecada, carrurteenna aan talaalanno si aan u badbaadsanno” ayuu yiri wasiirka.

Cudurka jadeecada ayaa kamid ah cudurada dilaaga ah, waxaana la sameeyaa dedaal badan oo lagaga hortagayo.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this