Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino lagula eegtay Gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/hoose Ayaa waxa ay sheegayaan in Halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo katirsan kuwa AMISOM.

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeyso Degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer ee Gobolka Sh/Hoose.

dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in Jugta qaraxa oo aheyd mid culus laga maqlay deegaano badan oo katirsan Gobolka Sh/hoose.

Sida wararka ay intaasi ku darayaan qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka AMISOM waxaana ka soo gaaray qasaare aan ilaa iyo iminka si rasmi ah loo ogeeyn.

Ciidamadii qaraxa la la eegtay ayaa fariisin ka sameeystay goobta qaraxa uu ka dhacay iyga oo halkaasina ka sameeyay howlgalo.

Warar Al-Shabaab ay ku faafiyeen baraha Bulshada ayeey ku sheegteen masuuliyada qaraxaasi iyaga oo sheegay in AMISOM qasaare badan uu ka soo gaaray.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino lagula eegtay Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this