Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee ayey u dhacday dacwadii loo heystay eedaysanayashii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad lagu soo oogay eedeysanayaal loo heysto Qaraxii 14-kii Bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaasha maaanta dacwadooda la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, iyadoo mid ka mid ah shanta eedeysane uu ka maqnaa maxkamada, waxaana magacyadooda ay kala yihiin:

1-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay

2-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.

4-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5-Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana masuul ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha Degmada Wadajir.

Dhageysi iyo dood kaddib Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’ isugu soo laaban doono Maalinta Khamiista oo ku beegan 4/1/2018.

Qaraxa oo ay ka danbeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxuu geystay Qasaaro badan oo soo gaaray dad shacab ah.Maxkamada-1-640x360.png?resize=640%2C360Maxkamada-2-640x360.png?resize=640%2C360Maxkamada-3-640x360.png?resize=640%2C360Maxkamada-4-640x360.png?resize=640%2C360

The post Sawirro: Sidee ayey u dhacday dacwadii loo heystay eedaysanayashii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this