Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Saraakiil ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Laba ka tirsanaa Saraakiisha  Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isku soo dhiibey Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay la soo xiriireen masuuliyiinta Maamulkaas.

Labadaan Sarkaal ayaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buurhakaba waxa  ay Dalsan  u sheegen in lagu kala Magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed,kuwaas oo ka yimid degaano  ka mid ah Gobolka Baay.

Maanta  ayaa la sheegay in ay isku  dhiibeen Maamulka degmada Buur Hakaba iyadoona Maamulka Degmada ay soo dhaweyn weyn ay usameeyeen,iyaga oo sitay laba qoray oo AK47 ah.

Maamulka degmada Buurhakaba ayaa horay waxa ay u sheegeen in ay wada hadal kula jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab si ay ugu soo biiraan.

2-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=11-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=11-2.jpg?resize=696%2C416&ssl=1

The post Sawirro:-Saraakiil ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this