Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Dowladda Puntland oo cudurka Jadeecada ka tallaalaysa carruur ka badan hal milyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi)  Ololaha Tallaalka Cudurka Jadeecada iyo diiwaan galinta dhalashada carruurta ayaa maanta oo isnin ah ka bilowday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ololahan oo ah mid ka hortag ah ayaa la gaarsiindoonaa in ka badan hal milyan oo carruur ah oo ku nool dhammaan gobolada Puntland, waxaana carruurta la talaalayo u dhexeeyaan 6 bilood iyo toban sanno jir.

Barnaamijkaan ayaa daahfurkiisa waxaa ka qeyb galay madaxda wasaaradda caafimaadka iyo marti sharaf kale oo badan, waxaana goobta xaflada furtaanka lagusoo bandhigay ruwaayad iyo suugaan ka turjumayay muhiimada tallaalku leeyahay iyo sida la doonayo in looga faa’idaysto.

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland. Dr, Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay in fulinta Tallaalkaan ay ka qeyb qaadandoonaan dad gaaraya 7000, oo ah kooxaha caafimaadka, 500 korjoogtayaal ah iyo 2000 oo gaadiid ah.
Dr. Cuuke wuxuu sheegay 6 bilood ee ugu dambeysay inay diiwaan galiyeen 1,805 kiis oo cudurkaan ah.

Wasiirka wuxuu ugu baaqay waalidiintu inay ilmahooda tallaalaan ayna ogaadaan in aduun iyo aakhiro lagula xisaabtamidoono haddii carruurtooda u geeriyoodaan tallaalka lagu badbaadinayo ubadkooda.

Agaasimaha arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cali Nuur (Jubba), oo ka hadlayay daahfurka diiwaangalin dhalashada carruurta, ayaa sheegay muhiimada laga leeyahay arrintaan inay tahay, in dowladdu ay ogaato tirakoobka guud ee carruurta soo dhashay lanasiiyo xuquuqdooda dhalasho.

IMG_1517.jpg IMG_1518-2.jpg IMG_1519-2.jpg IMG_1520-2.jpg IMG_1521-2.jpg IMG_1522-1.jpg IMG_1524.jpg IMG_1525.jpg IMG_1527.jpg IMG_1528.jpg IMG_1529.jpg IMG_1532.jpg IMG_1533.jpg IMG_1534.jpg IMG_1535.jpg IMG_1537.jpg IMG_1538.jpg IMG_1539.jpg IMG_1540.jpg IMG_1541.jpg IMG_1542.jpg IMG_1545.jpg IMG_1546.jpg IMG_1548.jpg IMG_1551.jpg IMG_1556.jpg IMG_1557.jpg IMG_1560.jpg IMG_1561.jpg IMG_1563.jpg IMG_1567.jpg IMG_1571.jpg IMG_1573.jpg IMG_1575.jpg IMG_1576.jpg IMG_1577.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this