Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Weerarka Qeybdiid oo wajiyo cusub yeelanaaya (Yaa Adeegsaday Ciidamada)?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Federaalka iyo Taliska Militariga ayaa sheegay inuu baaritaan socdo saacado kadib markii la xiray qaar kamid ah ciidamada Militariga ee Danab oo la sheegay inay galeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Kadib markii uu dhacay qaraxii weynaa ee 14kii Oktoober ayey madaxda dowlada (Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha) ku dhawaaqeen in la bilaabayo dagaal balaaran oo lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

Dowlada Federaalka ayaa dhamaadkii bishii Oktoober sheegtay inay wado diyaarinta ciidamada dalka ka xoreyn lahaa maleeshiyaadka Al Shabaab, isla xiligaasi ayey saraakiisha militariga dowlada soo saareen dhaliilo ku aadan dowlada Imaaraatiga oo iyadu tababartay ciidamada Komandooska ee loo yaqaan Danab.

23kii Oktoober, Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo kamid ah Aqalka Sare ayaa sheegay in iscasilaadii taliyihii hore ee Militariga Soomaaliya Gen.Cirfiid ay qeyb ka ahayd in ciidamada Imaaraatiga tababaray oo ah kuwa ugu tababar fiican militariga Soomaaliya ay weli hoos tagaan saraakiisha imaaraatiga oo aysan hoos imaan saraakiisha Federaalka.

Waxaana wakhtigaasi si weyn u bilaabatay codsiga ah in ciidamada Imaaraatiga tababaray la hoos geeyo saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Al Shabaab.

Cadaadiskan la saaray imaaraatiga ayaa keenay in 1dii bishii November dowlada Imaaraatiga sheegto in dhamaan ciidamadii ay u tababareen dowlada Federaalka lagu wareejiyey Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Khayre.

Imaaraadka-1-2.jpg?resize=482%2C321&ssl=

Raysalwasaare Khayre oo ka qeyb galay munaasabadii lagu wareejinayey ciidamada ayaa khudbad u jeediyey askartaasi isagoo yiri “Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya”

Kheyre-iyo-Imaaraadka-2.jpg?resize=467%2

Xukuumada Federaalka ayaa askartan qeyb kamid ah ku dartay ciidamada loo bixiyey xasilinta oo ka hawlgalayey magaalada Muqdisho, iyagoo ay wehliyaan kuwo ka tirsan NISA iyo Booliiska.

Weerarkii Guriga Gen.Cabdi Qeybdiid

Hawlgalkii shalay lagu qaaday guriga uu Muqdisho ka degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa fuliyey ciidamo soocan oo ka tirsan askartii militariga ee Imaaraatiga ku wareejiyey dowlada Federaalka, kuwaasi oo aan illaa iyo hada la ogeyn cida amarka siisay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Militariga ayaa sheegay in ay arrintan baarayaan oo ay sharciga hor keenayaan ciidamada falkan ka danbeeyey.

qeybdiid-hoy1.jpg?resize=465%2C262&ssl=1

Ciidamadan hawlgalkan loo diray ayaa ahaa ciidamada Komandooska Soomaaliya oo ay tababartay dowlada Imaaraatiga maaha kuwa horey looga bartay inay fuliyaan hawlgalo noocaan ah iyagoo aan wax amar ah ka heysan madaxdooda.

Waana falkii ugu horeeyey oo lugaha la galaya arrimo siyaasadeed oo ay ciidamadan ku kacaan tan iyo intii lagu wareejiyey Xukuumada Raysalwasaare Xasan Khayre.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ka badan 40 askari oo ciidamadaasi ka tirsan la xiray, walow aan weli la sheegin cida amarka siisay.

Hadaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah hadii ciidamadan ay dowlada Federaalka 1dii November ay kala soo wareegtay saraakiishii tababari jirtay ee Imaaraatiga ee la hoos geeyey Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka, yaa siiyey amarka ay ku galeen hoyga Senator Cabdi Qeybdiid oo kamid ah xildhibaanada Aqalka Sare.

ccwarsame-Qeybdiid1-740x408.jpeg?resize=

Senator Qeybdiid ayaa kamid ah Xildhibaanada sida weyn u garab istaagay Siyaasiga mucaaridka ah ee xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ciidamada Xasilinta gurigiisa ugu dhaceen bartamihii bishan arrintaasi oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xubnaha ku dhaw dhaw Senatorka ayaa sheegaya inay rumeysan yihiin in amarka ciidamada lagu hawlgeliyey uu ka yimid Xafiiska Raysalwsaaraha, balse la doonayo in eeda hawlgalkan dusha laga saaro dowlada Imaaraatiga oo iyadu tababartay ciidamadan.

Shakigan waxaa sii xoojiyey Sarkaalka ku magacaaban Taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo la sheegay in kadib hawlgalkii guriga Qeybdiid inuu telefoonka Senatorka wacay, isagoo u sheegaya in ciidamada hawgalka fuliyey ay yihiin kuwii Imaaraatiga tababaray. Waxaana arrintan saxaafada u xaqiijiyey maalinimadii shalay Senator Cabdi Qeybdiid.

Saadiq Joon ayaa sidoo kale ahaa sarkaalkii hogaaminayey ciidamadii weerarka ku qaaday gurigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur bartamihii bishan, siyaasigaasi oo ay xukuumada iyo xeer illaalinta ku eedeeyeen danbi ah Qaran Dumis.

Kiiskan cusub oo u eg kii (Qalbi Dhagax) ayaa markale dowlada Federaalka lugaha u gelinaya fadeexad siyaasadeed maadaama natiijada walba oo kasoo baxda baaritaanka la sheegay in la sameenayo ay noqon doonto laba arrin midood:

1- In ciidamadan ka amar qaadanayeen Xukuumada lagu wareejiyey ee Raysalwasaare Xasan Khayre, taasi oo noqoneysa in Raysalwasaaraha uu xildhibaanada kasoo horjeeda u adeegsaday ciidamadii loogu talo galay la dagaalanka Al Shabaab.

2- Hadii ciidamadan aysan xukuumada wax amar ah siin ama Xukuumada eeda dusha u saarto dowladii soo tababartay (Imaaraatiga) haba kalahaato dano siyasadeedee, waxay taasina ka dhigantahay in ugu yaraan dowladu ay fududeysay in dowlad ajnabi ah ay dalkeeda la maamusho.

W/Q. Maxamed Jeenyo

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Sawirro: Weerarka Qeybdiid oo wajiyo cusub yeelanaaya (Yaa Adeegsaday Ciidamada)? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this