Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Imaaraadka oo ciidamo African ah kala degay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland + Qorshaha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ciidamo shisheeye oo kasoo kala jeeda dhowr dal oo African ah geystay halka la filaayo in laga dhiso Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Ciidamadan oo  aad u farabadan ayaa la xaqiijiyay in dowlada Imaaraadka Carabta ay ka dajisay magaalada Bebera, kuwaa oo loogu talo galay inay ilaaliyaan amniga Saraakiisha dowlada Imaaraadka uga howlgasha Dekada iyo Saldhiga Berbera.

Qoraal lagu baahiyay barta International Africa ee caalamiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaasi la geeyay magaalada Berbera ay badi kasoo jeedan dalalka Neybal iyo Colombia.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo calooshood u shaqeystayaal ah, isla markaana ay caqabado amni kala kulmi karaan Xuutiyiinta Yemen iyo dhinacyo kale.

Ciidamadan ayaa xoogooda la dajiyay Saldhiga Imaaradka ee Berbera si ay sameeyan howlgalo dhinaca cirka iyo kuwa aan ahayn oo laga fulinaayo Somaliland laguna duulaan tagayo Xuutiyinta Yemen.

Ciidamadan oo qaab kiro kula shaqeyn doona dowlada Imaaraadka Carabta ayaa waxaa garab siin doona Sirdoonka iyo Militeriga Imaaradka Carabta.

Ciidamadan Afrikanka ah ee calooshood u shaqeystayaasha ayaa ka amar qaadan doona Khubaro iyo Saraakiil ciidan oo kasoo jeeda dalka Imaaraadka, waxa ayna sidoo kale fulin doonaan duqeymaha dhanka Diyaaradaha iyo kuwa gantaalada ee lidka ku ah Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ayaan weli ku baraarugin ciidamada Afrikanka ah ee uu Imaaraadka kala soo dagay magaalada Berbera, waxa ayna talaabadaani kusoo beegmeysaa iyadoo maalmo un ka hor ay Xuutiyiinta wacad ku mareen inay dhulka dhigi doonaan magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog cusub: Imaaraadka oo ciidamo African ah kala degay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland + Qorshaha cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this