Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Abu Dabai uga socda Mucaaradka DFS & Dowlada Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shir  magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga imaaraadka carabta uga socda dowlada Imaaraadka iyo dhinacyada mucaaradka ku ah dowlada Somalia.

Shirkaan oo galay maalintii Seddexaad ayaa waxaa dhinacyada mucaaradka Hogaaminaaya Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo xiligaan ay adeegsaneyso dowlada Imaaraadka.

Sida ay xogta sheegeyso shirka waxaa qeyb ka ah Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana madasha shirka ka dhexmuuqda Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Federaalka.

Xildhibaanada mucaaradka ee qeybta ka ah shirka ayaa tirro ahaan kor u dhaafaya toban iyo koow Xildhibaan oo dowlada si aad ah uga dhaliila warbaahinta waxaana wehlinaaya Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay Dowladihii soo maray Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee qeybta ka ah shirka ayaa waxaa ka dhex muuqda kuwo ku dhow dhow CC Sharmaarke, inkastoo ay jiraan kuwo daaha gadaashii ka hagaaya shirka.

Ilo ku dhow dhow CCC Sharmaarke ayaa sheegay in ujeedka shirka uu yahay sida loo sameyn lahaa xulafo mucaarad ah oo ka kala tirsan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta oo si wada jira ula dagaalama Siyaasada dowlada, sida aan xogta ku helnay.

Shirka ayaa sidoo kale ku ekaan doona maanta oo Isniin ah, waxaana lagu kala saxiixan doonaa Heshiisyo qodobeysan oo mucaaradka uu ku duulaan tagi doono.

Sidoo kale, Shariif Xasan iyo Cumar C/rashiid ayaa dhawaanadaan aad uga soo horjeeday Siyaasada Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay qorshaha ay dowlada Somalia dhex dhexaadka uga noqotay xiisada Xulafada Sacuudiga iyo Qadar.

Dhinaca kale, shirka ka socda magaalada Abu Dabai ayaa loo arkaa mid halis ku ah dowlada Federaalka haddii aanu dhicin ka horta ay ku dhaqaaqdo dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Abu Dabai uga socda Mucaaradka DFS & Dowlada Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this