Deeq A. Posted January 1, 2018 Dowladda Puntland ayaa layrarka ku shaqeeya cadceeda ka hirgalisay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaana tilaabadani qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee kor loogu qaadayo adeegyada bulshda. Dadweynaha Buuhoodle ayaa soo dhoweeyay Layrarkaan iyagoo sheegay magaaladu inay si weyn ugu baahi qabtay adeega caynkaan ah, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya bilicda iyo horumarka magaalada. Dowladda Puntland ayaa horey Buuhoodle oo kamid ah magaalooyinka ka degsan laamiga uga hirgalisay waddo laami ah oo isku xirta xaafadaha magaalada iyo sidoo kale mashaariic kale oo ay ku jiraan hirgalinta Ceel biyoodyo Puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites