Sign in to follow this  
Deeq A.

Taabit Oo Xalay Saq Dhexe Booqday Ciidanka Dowladda Ee Ku Sugan Deegaanka Siinka Dheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa xalay saq dhexe wuxuu ku booqday deegaanka Siinka Dheer ee duleeda Muqdisho ciidamada amniga oo halkaasi koontaroolla gaadiidka iyo dadka soo galaya magaalada.

Wuxuu ku bogaadiyey ciidamadan howsha adag ee ay hayaan, isaga oo sheegay in dowladana ay diyaar u tahay in mar walbo ciidamada garabtaagnaato.

Taabit ayaa sheegay in ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan Siinka dheer ay halkaasi u joogaan sidii ay shacabka Muqdisho si nabad ah ugu seexan lahaayeen uguna shaqeysan lahaayeen.

Waxa uu ballanqaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir in xilli walbo diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this