Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixaya Miisaaniyada Dowlada 2018-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixaya Miisaaniyada Dowlada.

Miisaaniyadaan ayaa waxaa si wadajir ah u Ansixiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka aqalka hoose iyo Aqalka Sare.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Ayaa shalay sheegay in Madaxweynaha uu isaga u geeyn doono si uu u saxiixo.

Munaasabad lagu saxiixayo Miisaaniyada dowlada ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta madaxtooyad Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixaya Miisaaniyada Dowlada 2018-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this