Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Caawa Kormeer Shaqo ku Tegey Qaybo Kamid ah Magaalada Gaalkacayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay bilawga sanadka cusub 01 January 2018 kormeer shaqo ku tegey qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn ka qaybgalay bandhigga mashruuca garoonka Cawaalle Liibaan oo si iskaa wax u qabso ah looga hirgelindoono magaalada Gaalkacayo, kaas oo noqondoona sida qorshuhu yahay [Insha Alla] garoon cagaaran oo loo dhisi doono mid lamida garoomada waaweyn ee caalamka ka jira.

Guddiga loo igmaday dhismaha garoonka ayaa soo bandhigay qaab dhismeed uu yeelandoono garoonku, waxaana ay iyana soo bandhigeen sida ugu sahlan ee looga qayb-qaadan karo hirgelinta dhismaha garoonka Cawaalle liibaan, Madaxweynaha oo ka jawaabay qaadhaanka dawladda loo asteeyey ayaa sheegay in dawladdu bixinayso isla wakhtigaasi lagu gudajirey madasha bandhigga dhismaha garoonka Cawaale Liibaan.

“Waxaad kasoo qaaddaan lacagta qaadhaanka ah ee aad nagu qorateen inay jeebkiina ku jirto hadda, waxaan rabnaa inuu mashruucani sida ugu wanaagsan u hirgalo, noqdo mid socda oo gobolada oo dhan gaadha, waxaan rabaa qaybaha kala duwan ee bulshada inaan ku booriyo inay iyana ka qayb qaataan dhismaha garoonka gaar ahaan qurba, joogta, ganacsatada iyo bulshada rayid ka ahba ee dhammaantood qaybta ka ah ka qayb-qaata yaasha dhismaha garoonka” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Garoonka waxaa loogu magacdaray Maxamed Cawaale Libaan oo inaga mudan tariikh, waa aasaasihii calanka Soomaaliyeed, inuu qurux badnaado oo dhammaystirnaadaa waxaynu u hiilinay marxuunka, waayo waxaynu illaalinay tariikhda magaciisa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dhismaha goobta lagu soo bandhigayey qaab dhismeedka garoonka Cawaale, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in ay hirgelisey mashruucani hay’adda SSF [ Somali Stability Fund ], isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in mashruucani dawladda Puntland wax badan kaga faa’iidaysatay kaabidda adeegyada bulshada, sida dhismayaasha saldhigyada, maxkamaddaha, ceel biyoodyo, laydhadh [solar system] iyo garoon kani caqaaran oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Puntland inay ku dhiiradaan wax wada qabsiga, iskaashiga, hal abuurka, horumarka, nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isla markaana aanay ka daalin isku tashiga ay ku horumarsadeen dhulkooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamd Cali Gaas ayaa intaasi kadib kulan casho sharaf ah laqaatay waxgarad, aqoon-yahano, siyaasiyiin, isimo, culuma-awdiin, nabadoono iyo waxgarad kale, casha sharafta oo lagu marti qaaday Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee wehlinayseyba ayaa ka dhacday guriga maamo Xaawo Aadan ee magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.5I2A1153.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1185.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1215.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1235.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1278.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1313.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1368.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1375.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1393.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1402.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1409.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1417.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1428.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1453.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1456.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1471.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1478.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1484.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1500.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1683-1.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1691.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Puntland oo Caawa Kormeer Shaqo ku Tegey Qaybo Kamid ah Magaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this