Deeq A.

Haweeney Muslimad ah oo Sheegtay in ay Tahay Musharax Madaxweynaha Dalka Ruushka (TOP NEWS)

Recommended Posts

Deeq A.   

Aina Gazatova oo ah haweeney Muslim ah ayaa ku dhowaaqday inay kula tartamayso xilka madaxtinimada dalka Ruushka Vladamir Putin doorashada March 2018.
Boqolaal taageerayaasheeda ah ayaa ku soo ururay magaalada Makhachkala caasimada Dagestan labo maalmood kadib markii ay ku daabacday bogga ay ku leedahay facebooga, inay tahay musharax madaxtinimada dalka Ruushka.

Alna.jpg

Gamzatova ayaa madax ka ah warbaahinta ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta wadanka Ruushka waxayna maamushaa Islam.ru oo ka kooban taleefishin,Idaacad iyo wargeysyo.

Aina oo ah 46 sano jir u dhaxda Akhmad Abdulaev oo ah muftiga Dagestan ayaa noqonaysa haweeneydi ugu horeysay ee Muslim ah oo u tartanta mid kamid ah wadamada ugu waaweyn caalamka.

Hase yeeshee halka ay ka soo jeeda ee ah Dagestan ayaa ah meel ay rabshado badan ka dhacaan iyadoo iskahorimaadyo u dhexeeya dagaalyahano, qabaa’ilo iyo ciidamada dowlada Ruushka lagu diley kumanaan ruux.

Haweeneydan haatan shaacisay inay tahay musharax Madaxweyne ayaa waxa y ka tirsan tahay dariiqada Suufiyada oo kumanaan ruux ay xubno ka yihiin hogaamiyihii dariiqada Suufiyada dalka Ruushka Said-Afandi Chirkavi ayaa waxaa uu ku dhintey kadib markii haweeney waxyaalaha qarxa isku soo xirtey ku weerartay Caucasus sanadkii 2012.

Wadanka Ruushka oo dadka ku nool ay tiradoodu gaarayso 140 malyan ayaa 20 malyan oo ka mid ah waxa ay yihiin dadkaas Muslimiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.