Deeq A. Posted December 31, 2017 Aina Gazatova oo ah haweeney Muslim ah ayaa ku dhowaaqday inay kula tartamayso xilka madaxtinimada dalka Ruushka Vladamir Putin doorashada March 2018. Boqolaal taageerayaasheeda ah ayaa ku soo ururay magaalada Makhachkala caasimada Dagestan labo maalmood kadib markii ay ku daabacday bogga ay ku leedahay facebooga, inay tahay musharax madaxtinimada dalka Ruushka. Gamzatova ayaa madax ka ah warbaahinta ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta wadanka Ruushka waxayna maamushaa Islam.ru oo ka kooban taleefishin,Idaacad iyo wargeysyo. Aina oo ah 46 sano jir u dhaxda Akhmad Abdulaev oo ah muftiga Dagestan ayaa noqonaysa haweeneydi ugu horeysay ee Muslim ah oo u tartanta mid kamid ah wadamada ugu waaweyn caalamka. Hase yeeshee halka ay ka soo jeeda ee ah Dagestan ayaa ah meel ay rabshado badan ka dhacaan iyadoo iskahorimaadyo u dhexeeya dagaalyahano, qabaa’ilo iyo ciidamada dowlada Ruushka lagu diley kumanaan ruux. Haweeneydan haatan shaacisay inay tahay musharax Madaxweyne ayaa waxa y ka tirsan tahay dariiqada Suufiyada oo kumanaan ruux ay xubno ka yihiin hogaamiyihii dariiqada Suufiyada dalka Ruushka Said-Afandi Chirkavi ayaa waxaa uu ku dhintey kadib markii haweeney waxyaalaha qarxa isku soo xirtey ku weerartay Caucasus sanadkii 2012. Wadanka Ruushka oo dadka ku nool ay tiradoodu gaarayso 140 malyan ayaa 20 malyan oo ka mid ah waxa ay yihiin dadkaas Muslimiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted January 1, 2018 I am very sure she was handpicked by Putin for a show. Quote Share this post Link to post Share on other sites