Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Hay’adda la dagaalanka AIDS-ka Puntland oo qabsatay shir dib loogu eegayo waxqabadkoodii sannadkaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Hay’adda dowladda Puntland u qaabilsan la dagaalanka iyo cudurka HIV/AIDS ee PAC ayaa maanta qabsatay kulan dib u eegis loogu sameynayo waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka socotay bahda caafimaadka Puntland, hay’addaha caalamiga ah iyo saraakiisha hay’adda PAC oo ka kala yimid xarumaha hay’addu ku leedahay gobolada Puntland.

Agaasimaha hay’adda PAC, Cabdiqaadir Maxamed Axmed (Burburshe), ayaa sheegay saddexdii ee lasoo dhaafay waxyaabihii ay ku guulaysteen inay kamid yihiin, dhismaha dallad ay ku midaysan yihiin dadka la nool cudurka AIDSKA, howlgalinta saraakiisha hay’adda PAC u jooga gobolada Puntland, dardar galinta siyaasada HIV/AIDS, abuurida guddi heer gobol ah oo ka shaqeyndoona wacyi galinta iyo talo bixinta HIV/AIDS, qabashada olalale la dagaalanka takoorka dadka la nool AIDS-ka, iyo magacaabida safiir u taagan uqareemida dadka la nool cudurka AIDS-ka, oo loo magacaabay Marwo Caasho Geelle.

Agaasime Burburshe ayaa sidoo kale sheegay, sannadkaan soo socda ee 2018, inay xooga saaridoonaan sidii loo yarayn lahaa takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka qaba AIDS-ka iyo in lasoo dhiciyo xaqa ay leeyihiin dadkaan, haday ahaan lahayd waxbarasho iyo Hoy.

Kulankaan ayaa lasoo gabagabayndoonaa maalinta berrito ah iyadoo lagasoo saaridoono warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta PAC ee sannadka 2018 illaa 2020.

IMG_1478-1.jpg IMG_1481.jpg IMG_1483.jpg IMG_1484.jpg IMG_1485.jpg IMG_1486.jpg IMG_1487.jpg IMG_1488.jpg IMG_1490.jpg IMG_1491.jpg IMG_1493.jpg IMG_1494.jpg IMG_1501.jpg IMG_1502.jpg IMG_1505.jpg IMG_1506.jpg IMG_1507.jpg IMG_1508.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this