Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Dowladda Puntland oo soo dhoweysay heshiiskii laga gaaray colaadii Gumburka iyo Qoriley.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee laga gaaray colaadii dumburka iyo Quriley, halkaas oo dhowaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Egn, Camey ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo ku ammaanay inay labadooduba go’aan ku gaareen inay dhammaayaan colaada.

Camey ayaa sheegay inay dowladda Puntkand diyaar u tahay wax alle wixii kaalin ah oo looga baahdo si colaadaas loosoo afjaro, Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenku u mahad celiyay dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia masuuliyada ay ka qaateen daminta colaada.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku sheegay inay dowladdu taageersan yahay in dowladda degaanka sugaan ammaanka goobihii colaadu ka dhacday maadaama ay iyagu mamaulaan.

Halkaan ku dhegayso codka madaxweyne ku xigeenka.

      MKX+Camay_heshiiska+beelaha+gumburka+iyo+qoriley_jfa_30+Dec+'17

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this