Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo Oo Aad Loo Adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib markii amniga magaaladaasi la wareegeen ciidamo isku dhaf ah.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xogga dalka Jeneraal C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda amniga Gaalkacyo uu wanaagsan yahay, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Waxa uu tilmaamay Taliye C/laahi in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney dhibaato ka sameyso magaaladaasi.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadanaya sidii loo xasilin lahaa magaalada Gaalkacyo oo marar badan lagu guul darreystay in amni laga dhigo.

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this