Sign in to follow this  
Deeq A.

Hidniya: Atoore Caan Ah Oo Siyaasadda Ku Biiray

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Atooraha  Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono.

 

Atooraha oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay.

 

said his joining politics was need of hour and compulsion of time.

“Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah.

 

Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta

Tamil Nadu 2021-ka.

 

Rajinikanth waxaa uu sidoo kale sheegay in hal-ku-dhegga xisbiga noqon-doono run, horumar iyo howl-kar.

 

Atoorahan Rajinikanth  in kasta oo filimaantiisa ku yar yihiin Bollywood-ka hadana koonfurta Hindiya waa atooraha ugu caansan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this