Deeq A. Posted December 31, 2017 Atooraha Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono. Atooraha oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay. said his joining politics was need of hour and compulsion of time. “Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah. Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta Tamil Nadu 2021-ka. Rajinikanth waxaa uu sidoo kale sheegay in hal-ku-dhegga xisbiga noqon-doono run, horumar iyo howl-kar. Atoorahan Rajinikanth in kasta oo filimaantiisa ku yar yihiin Bollywood-ka hadana koonfurta Hindiya waa atooraha ugu caansan. Source Share this post Link to post Share on other sites