Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo ku dhawaaqday tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Saaka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dileen Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa intaas ku daray in Gaariga Ciidanka AMISOM ee la qarxiyay uu ku bur buray weerarkaas,islamarkaana askarta dhimatay ay arkeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo degaankaas ku sugnaa sida ay sheegeen.

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay galbinayeen saraakiil ajaanib ah oo la shaqeeya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Todobaadk ka hor ayaa sidan oo kale Ciidanka AMISOM waxaa lagu qarxiyay Waddada Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse oo ku dhacda Waddada Warashadaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-shabab oo ku dhawaaqday tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Saaka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this