Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ethiopia xukunno ku ridday Xubno ka tirsan ONLF oo Muqdisho laga qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka Ethiopia ee magaalada Addis Ababa ayaa Sabtidii shalay xukuntay laba xubnood oo ka tirsan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee (ONLF).

Eedaysanaha hore oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 13 sano, halka eedaysanaha labaad, Ahmed Mohammed lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah,sida ay qortay Warbaahinta Ethiopia

15 July ee sannadkii 2016 ayaa labadaan xubnood laga qabtay magaalada Muqdisho,xilli ay doonayeen in ay si dhuumaalaysi ah ku galaan dalka Ethiopia,siday ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga dalkaasi.

Jabhadda ONLF oo Waddanka Ethiopia loogu aqoonsanyahay”argagixiso” ayaa ka dagaallanta dhinaca bari ee dowlad denaanka Soomaalida Ethiopia,waxaana lagu xasuustaa weerarkii 24 April ee sannadkii 2007 ay geysteen,kaasoo ay ku dhinteen 65 Ethiopian ah iyo sagaal Chinese ah.

Weerarka aya lagu qaaday goob shidaal laga qodayey oo ku taalla gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ethiopia xukunno ku ridday Xubno ka tirsan ONLF oo Muqdisho laga qabtay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this