Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan(Yariisow)  oo wareysi siiyey Warbaahinta dowladda,ayaa sheegay in Xukuumadda  Soomaaliya ay ka jawaab celisay weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi qeybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baaralamanka Soomaaliya.

Yariisow ayaa sheegay in si deg deg ah loo fuliyay amarka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in si dhaqsi ah loo baaro falkaasi,isagoo xusay in ay socdaan baaritaan lagu hayo askar iyo saraakiil la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

“Shacabka Soomaaaliyeed waxaan u sheegaynaa in aan laga daba hari doonin dadkii falkaasi ka dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta, Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Yariisow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay shacabka la wadaagi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka haatan socda ee lagu hayo askarta iyo saraakiisha xiran ee lagu tahmayo weerarka.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this