Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacantay qarax miino oo subaxnimadii hore saaka ka dhacay meel u dhow Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa ka dhashay miino dhulka la galiyey la kacday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM,ilaa iyo haatanna faahfahin lagama hayo khasaaraha AMISOM,balse wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeello soo gaartay.

Ciidamada Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa baritaan ka bilaabay dhammaan xaafadaha ka agdhow Wasaaradda Difaaca,sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net

 

The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this