Deeq A. Posted December 31, 2017 Jamahuuriyadda Congo ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta inay guud ahaan jaraan adeegga internetka iyo fariimaha gaagaaban ee adeegga dalka. Amarka ay soo saartay xukuumadda Congo ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo lagu wado maanta oo Axad ah in dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeeda xukuumadda sidaas darteed ayey xukuumaddu u jareysaa adeegyada isgaarsiinta iyo internetka. Dowladda Itoobiya ayaa tallaabadaan oo kale qaaday bartamihii bishaan December, waxayna xirtay qaar ka mida baraha ay ku xariiraan bulshada ka dib markii ay xoogeysteen isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan dalkaasi. Wasiirka isgaarsiinta Congo ayaa ku tilaamay tallaabadaan ay dowladda qaaday mid lagu ilaalinayo amniga dowladda … loogana hortagayo xadgudubyada waxaa uu yiri “ Dowladda waxaa waajib ku ah inay qaadato dhammaan tallaabooyinka ay ku ilaalineyso nafsadaha muwaadiniinta reer Congo”. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites