Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Olalihii la dagaalanka Takoorka dadka la nool HIV/AIDSka oo lasoo gabagabeeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Hay’adda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee dowladda Puntland (PAC) ayaa maantay soo gabagabaeysay Olalihii wacygi gelinta iyo ka hortaga takoorka dadka la nool cudurkaan ee ka socday gobolada Puntland.

Olalahaan oo socday bishaan December oo idil, ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Garowe, halkaas oo guddiga PAC iyo koox dhaqaatiir ah ay kula hadleen ardayda jaamacadda wax ka barta, kuwaas oo lasiiyay wacyo galin ku saabsan cudurkaan.

Drs, Xabiibo Nuux Ismaaciil, oo kamid ah dhaqaatiirta Puntland, ayaa goobta ka jeedisay casharo muhiim ah oo ka hadlayay muhiimada ay leedahay in lasoo dhoweeyo islamarkaana aan la takoorin dadka cudurkaan la nool iyo heerka uu cudurkaan marayo.

Drs, Xabiibo waxay sheegtay haddii la takooro ama xaqiraad lagu sameeyo dadkaan in cudurku uu sii faafayo, sababtoo ah waxay tilmamtay haddii la colaadiyo inay iyaguna cudurka sii faafinayaan, Dhaqtaradu waxay bulshada ku wacyi galisay inuu cudurkaan yahay mid uu ilaaheey keenay loona baahan yahay dadka la nool in loola dhaqmo si naxariis leh.

Maxamuud Warsame Maxamud oo loo yaqaano Aakhiro, muddo 11 sano ahna la nool cudurka, ayaa sheegay tan iyo waqtigii uu cudurkaan ku dhacay inuu halgan ugu jiray sidii dadka qaba cudurkaan u qaadan lahaayeen dawooyinka, si ay naftooda u badbaadiyaan bulshada kalena aysan ugu gudbin.

Wuxuu sheegay dadka qaba cudurkaan ee Dawada qaata inay haatan dhan yihin 400 kaliya, laakin wuxuu sheegay inay jiraan dad intaan ka badan oo cudurkaan qaba, kuwaas oo iska qariya bulshada, si aan loo takoorin.

Wuxuu sheegay haddii  takoorka la daayo inay banaanka usoo bixidoonaan dadyowga cudurkaan la dhuumanaya si ay Dawo uqaataan, arrintaasna wuxuu sheegay dedaalkeeda in looga baahan yahay dhalinyarada inay bilaabaan la dagaalanka Takoorka.

Agaasimaha maamulka hay’adda PAC, Cabdirisaaq Nuur Hallac, ayaa soo xiray wacyi galintaan, wuxuuna sheegay inay ahayd wacyi galintii abid ugu balaarsanayd ee laga sameeyo gudaha Puntland. Wuxuu sheegay in dhammaan laga fuliyay gobolada Puntland lana tagay meel kasta oo ay bulshadu isaga timaado, xitaa Masaajida.

Ujeedada laga leeyahay wacyi galintan ayuu agaasimuhu sheegay inay tahay sidii bulshada looga wacyi galin lahaa Takoorida dadka la nool cudurka HIV/AIDS, isagoo sheegay sababta uu cudurka ugusii faafayo Puntland inay tahay faquuqda loo geysanayo dadkaan, taasoo iyagana ku kalifaysa inay cudurkii qarsadaan ama ay sii faafiyaan.

IMG_1393.jpg IMG_1385.jpg IMG_1381.jpg IMG_1382.jpg

IMG_1421.jpgIMG_1425.jpgIMG_1424.jpgIMG_1445.jpgIMG_1353.jpgIMG_1356.jpgIMG_1439.jpg
IMG_1377.jpg IMG_1378.jpg IMG_1379.jpg IMG_1380.jpg IMG_1376.jpg IMG_1369.jpg IMG_1371.jpg IMG_1375.jpg IMG_1367.jpg IMG_1362.jpg IMG_1395.jpg IMG_1399.jpg IMG_1412.jpg IMG_1411.jpg IMG_1413.jpg IMG_1414.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this