Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo hubaysan oo baaritaan ku sameeyay guriga Cabdiqeybdiid iyo Villa Somaliya oo si kulul uga hadashay.

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamo katirsan kuwa NISA ayaa weerar ku qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.

Sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, ciidamadaan ayaa baaritaan xoogan ku sameeyay guriga Cabdiqeybdiid oo ku yaala Degmadda Hodan gaar ahaan agagaarka isgoyska Banaadir, lama garanayo ujeedada ka dambeysa baaritaankaan,

Dhinaca kale, Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo goor dhowayd soo saartay qoraal waxay iska fogeeyeen in howlgalkaan dowladdu federalku wax kala socota, waxaana madaxweyne Farmaajo amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkaan lagu galay guriga Cabdiqeybdiid.

26167289_1950368051893020_85341474226604

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this