Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gudaha u galay Guriga Sen. Cabdi Qayb-diid

Recommended Posts

Deeq A.   

21740118_10207783073733433_7974761181041
Muqdisho (PP) ─
Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa gudaha u galay goor-dhaweyd guriga uu ka deggen yahay Muqdisho Senetor Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid], isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, Waxaana la sheegay inay ka wadaan baaritaan aan la ogeyn wuxuu salka ku hayo.

Sidoo kale, Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidankii ilaalada ka ah Guriga Mudane Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa Senator-ka.

Ugu dambeyn, Hoyga Senator Aqalka Sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dastuurka dalka dhigayo. Laakiinse lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

Wixii kasoo kordha wararka ku saabsan baaritaankan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntlandpost.

PUNTLAND POST

The post Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gudaha u galay Guriga Sen. Cabdi Qayb-diid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this