Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:- Heshiis horudhac ah oo lagasoo saaray colaadii Gumrburka iyo Quriley ee koonfurta Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Heshiis horudhac ah ayaa la dhex dhigay labadii beelood ee walaalaha ah ee dhowaan ku dagaalamay degaanada Gumburka iyo Qurilay ee koonfurta gobolka Sool.

Waxaa lagu heshiiyey sideed qodob oo labada beelood mid kasta uu raali ku yahay, sida uu Puntladi kasoo xigtay xubno katirsan guddiga nabadaynta colaada howdka ka dhacday, oo aan qadka taleefoonka kula hadalnay.

Guddigaan nabadaynta ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa sidii ay u qaboojin lahaayeen colaada iyagoo tagay goobihii lagu dagaalamay lana kulmay dableydii dirirtu dhexmartay.

Akhriso qodobada lagasoo saaray.

1. Xabad joojin
2. Ciidamadoo lakala qaado
3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta
4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado
5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale.

Heshiiska waxaa saxiixay min 21 xubnood oo odayaasha labada dhinac ah.

25994880_1574332422655691_56558884107920

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this