Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayay wadada Ceeldaahir/Ceerigaabo oo lagu qabtay magaalada Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe.

Ujeeddada kulanka oo ahayd Mahad celin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyey xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada Badhan usii jirto 15km isla markaana bisha March ee soo socota la bilaabi doono in laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii Daamurka soo degi doono.

Dhallinyaradii kulanka isugu timid waxay si guud ugu mahad celiyeem guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray.

Howlwadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah.

Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cowsane, Midigale, Rad iyo Laako iyo  Hadaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka haweenka Al Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada.

Gunaanad

Ugu dambayn, waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba.

26055605_1611305768933819_70847472891398 26168955_1611305812267148_30939838654583 26165319_1611305858933810_56184584562200 26112288_1611305898933806_32419309694193 26196148_1611305982267131_34016260822372 26112261_1611306108933785_49342080695829 26196475_1611306155600447_91282579800434 26113765_1611306185600444_47704682172909 26168942_1611305168933879_41118247722994 26168255_1611305215600541_43604807636232 26166840_1611305295600533_88117355426251 26168888_1611305455600517_56668451788233 26169710_1611305512267178_71877464243586 26047184_1611305562267173_17822764779262 26165855_1611305615600501_59994259865520 26166088_1611305678933828_44661021956087 26112279_1611305708933825_33971599042119

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this