Sign in to follow this  
Deeq A.

Keating oo amaan kala duldhacay DFS kadib markii ay cuuryaamisay arrimo dhowr ah (Maxaa kamid ah)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday in DFS ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ka takhluusisay waxa loogu yeero musuq-maasuqa.

Michael Keating, ayaa sheegay baaritaan ay sameeyen inay ku ogaaden hoos u dhaca musuq-maasuqa Somalia laga soo bilaabo, tan iyo markii la doortay dowlada Farmaajo.

Michael Keating, waxa uu sheegay in qiimeyntooda 2017 ay ku ogaaden in DFS ay ka takhluusisay musuqa oo uu sheegay inuu la dagay Somalia.

Waxa uu Mr Michael Keating tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guuleysatay la dagaalanka musuq-maasuqa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka qeybqaadan doonaan dadaalada looga hortagi lahaa musuqa harsan.

‘’Waxaan qireynaa in dowlada hadda jirta ee Somalia ay ku guuleysatay la dagaalanka musuqa, QM waxa ay diyaar u tahay in dowlada DFS ay kala shaqeyso dhameystirka’’

‘’Dowladan waxa ay kuwii hore kaga duwan tahay hanaanka ay ula dagaalantay musuqa oo aan rumeysanahay inuu  cuuryamiyay Somalia, waan ku amaaneynaa talaabadaasi ay qaaday dowlada’’

Michael Keating, ayaa si weyn ugu ammaanay dowlada Federaalka horumarrada dhanka xasilloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Keating ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in tallaabooyinka horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya qaadday ay caqabad ku noqon karaan Abaarta iyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Keating ayaa sheegay Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia AMISOM ay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo ka mid ah dalka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.

Dhinaca kale, waxa uu walaac xooggan ka muujiyay in xaaladda bani’aaddannimo ee dalku ay aad uga sii darto, taas oo ay uga sii darayso dhibaatada shacabka kaga timmaadda kooxaha Argagixisada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Keating oo amaan kala duldhacay DFS kadib markii ay cuuryaamisay arrimo dhowr ah (Maxaa kamid ah) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this