Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo: Weli kama weecan ballanqaadyadii aan horay u sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay dadaalada ay dowladiisa ugu jirto horumarinada dhammaan adeegyada aasaasiga u ah bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay la imaado waxqabad wanaagsan mudada uga harsan xilka ay u hayaan Qaranka Somalia.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan baahiyaha bulshada maadaama uu yiri dal waliba uu ku dhisan yahay shacab ku qanacsan dowladiisa.

Farmaajo waxa uu farta ku goday inay ka dhabeyn doonaan dhammaan qodobadii ay balanqaaday dowladiisa inay ka hirgalin doonto Somalia, waxa uuna xusay in iminka ay hirgaliyeen tiro ballanqaadyo ah.

‘’Waxaan weli ku taaganahay inaan ka dhabeyno ballanqaadyadii aan sameynay ee ahaa isbedel dhan waliba ah’’

Farmaajo waxa uu soo hadalqaaday caqabadaha heysta dowladiisa waxa uuna ku baaqay in dhinacyada kasoo horjeeda dowladiisa aysan sabab u noqon dib u laabashada Somalia.

Waxa uu ku baaqay inaan la fududeysan dhibaateynta Qaran dhisan, sidaa aawgeed uu diyaar u yahay in maslaxada Somalia uu u galo meel waliba oo ay taalo.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyan dib u dhiska dalkooda oo sheegay inay tahay maslaxad guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Farmaajo: Weli kama weecan ballanqaadyadii aan horay u sameeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this