Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo gubay xeryo ay leeyihiin Booliiska Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa gubay laba xero Booliiska Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ijara ee gobolka Waqooyi bari,sida ay soo werisay Idaacadda CapitalFM.

Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay burburiyeen Qalabkii Isgaarsiinta ee degaankaasi,islamarkaana ay sii ka xaysteen gaari nooca land cruiser oo Booliisku ay lahaayeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska ayaa sheegay in aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan weerarka oo dhacay 2 am ee subaxnimadii saaka.

Dagaallamayaasha ayaa dhac u geystay dukaanno ku yaalla Ijara sida laga soo xigtay sarkaalka.

Ciidamo xooggan ayaa loo diray halkaas si ay u baacsadan dagaalyahannada oo la rumaysanyahay in ay u carareen kaymaha Boni ee dhinaca Xadka Soomaaliya.

 

The post Al-shabaab oo gubay xeryo ay leeyihiin Booliiska Kenya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this