Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal”diyaaradtii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa” 

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliland ee Solja ayaa ka hadlay Arimo la xariira Tilaabooyin ay qaaday dowlada Soomaaliya .

Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay in Dowlada Soomaaliya ay maamulka hawadeeda dib u soo cishatay isaga oo ka soo horjeeystay arintaasi.

Waxaana uu ku hanjabay in Soomaliland ay soo ridi doonto Diyaaradii Amarkeeda qaadan weeyso

“Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa”

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dad isaga ka qeeyb qaatay doorashadiisii islamarkaasina uu dad ka dilay sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo emotional ayaa lagu doortay sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu kaga bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe

dowlada Soomaaliya ayaa 27-sano kadib dib u la soo wareegatay maamulka hawada Soomaaliya iyada oo uu saameeyneeyso tilaabadaan Maamulka Soomaaliland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Faysal”diyaaradtii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa”  appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this