Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim oo baaq u diray Siyaasiinta dowlada ka soo horjeedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladii TNG-da Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan oo hadda ku sugan Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa ka hadlay Xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Cabdiqaasim Salaad oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa Sheegay in dowlada Soomaaliya ay gaartay guulo la taaban karo isaga oo ugu baaqay Shacabka iyo siyaasiinta in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya.

“Faa’idada aan helnay laga soo bilaabo dowladihii KMG ahaa ayaa kamid ah in dalka uu aqoonsi buuxa uu heley burburkii kadib,in calankii Soomaaliyeed laga taagay xarunta Qm iyo guud ahaan wadamada Caalamka,haatana waxaan rajaynayaa in Dalka iyo Dadkuba ay degaan,wadankasta oo burbur uu soo maray muddo ayay qaadataa in dib uu u soo kabmo,balse waxaa loo baahan yahay in qabyaalada meel la iska dhigo,oo laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliyeed dib u soo celinteeda,taasina rajo weyn ayaan ka qabnaa”, ayuu yiri Dr Cabdiqaasim.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan wajaheeysa Caqabad ku aadan Mucaaradyo ka imaanaya Siyaasiin iyada ka soo Horjeeda

Hoos ka Dhageyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdi-Qaasim.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim oo baaq u diray Siyaasiinta dowlada ka soo horjeedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this