Sign in to follow this  
Deeq A.

Beello Ku Dagaallamay Duleedka Balcad Oo Lagu Heshiisiinayo Jowhar, Sh/dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in 1-da January 2018, ay magaalada Jowhar shir nabadeed uga furi doonaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha gobolkaasi, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in shirkaan ay isugu keeni doonaan waxgaradka Labada dhinac.

Sidoo kale, guddoomiye Mayre ayaa sheegay in dib u heshiisiin kadib ay ka maamul ahaan ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska guryihii ku burburay dagaalladii dhacay.

“Wax walbo nabadda ayaa ugu horreeya, 1-da bisha soo socotana shir ayaan u fureynaa dhinayacdii dagaallamay, wixii ka dambeeyana waa dib u dhiska” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay beelahii ku dagaallamay deegaannada hostaga degmada Balcad iney kaalin ka qaataan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this